Wax ku saabsan Roks

Roks, Ururka Qaranka ee loogu talogalay Hoyga ama sheeltarrada ku meel Gaarka ah ee Haweenka iyo Haweenka Dhallinyarada ah ee ka jira Sweden, waa xubin urureedka ugu ballaaran ee waddanka. Rocks ujeeddadiisu waa ilaalinta danaha guud ee sheeltarrada ama hoyga ku meel gaarka ah ee ay uga hortagayaan gacan ka hadalka raggu ay u geystaan haweenka.

Roks wuxuu ku dadaalaa qaabeynta ra’yiga dadweynaha, wuxuuna si firfircoon uga shaqeeyaa inuu xaqiiqada ay sheeltarradu la kulmaan ka dhigo mid muuqata, iyo sidoo kale inuu qabto wada hadal ku saabsan arrimaha khuseeya sheeltarrada. Waxaa hadda jira qiyaastii 100 sheeltar ama hoy ku meel gaar ah oo haween oo ururka ka jira.

Roks waa urur dheddig oo ka shaqeeya xuquuqaha haweenka iyo gabdhaha iyo xoreynta, iyo sidoo kale sinnaanta heer kasta leh. 
 

Sheeltarrada Haweenka

Hoy ama sheeltar kasta oo ku meel gaar ah sidiisa ayuu u jiraa wuxuuna leeyahay habab gaar ah oo uu ku shaqeeyo. Si kasta ha ahaatee, waxa ay deegaannadaan ku meel gaarka ah oo dhan ka siman yihiin iney leeyihiin khad caawin oo degdeg ah kaasoo ay haweenka iyo gabdhuhu soo wici karaan haddii ay u baahdaan taageero. Dadka soo waca oo dhan waxay dooran karaan inaan la aqoonsan isla markaana lama diiwaan geliyo dadka soo waca khadka.

Hoyga ama sheeltarka haweenku wuxuu ku deeqaa taageero ku saleysan baahida keli ahaaneed iyo waxa ay doonayso haweeney kasta. Waxaa laga yaabaa iney haweeneydu u baahan tahay iney ka hadasho xaaladdeeda iyo xiriirka ay markaas ninka la leedahay. Waxaa xataa laga yaabaa iney u baahan tahay talo laga siiyo wargelin booliis ama muran ilmo qaadasho. Waxaa sidoo kale laga yaabaa iney ku saabsan tahay ahaanshada dhibbane faraxumeyn galmo, taasoo dhacday goor dhow ama sanado badan ka hor. Haweenka ka shaqeeya hoyga ku meel gaarka ah waxay bixiyaan taageero wada sheekeysi ah iyo talo waxay sidoo kale haweenka iyagoo taageeraya u raaci karayaan booliiska, qareennada iyo adeegyada bulshada tusaale ahaan. Sheeltarro badan ayaa sidoo kale ku deeqa guriyeyn ku meel gaar ah oo ammaan ah oo loogu talogalay haweenka iyo carruurtooda.

Tiro ka mid ah sheeltarrada ama hoyga ku meel gaarka ah ayaa waxay sidoo kale leeyihiin khadad shidan oo sharciyeed oo gaar ah. Qaar ka mid ah sheeltarradu waxay leeyihiin telefoonka xarfaha qora si ay ugu adeegaan haweenka dhegaha culus. Kuwo kale ayaa jira oo ku takhasusay soo dhoweynta dadka waaweyn ee lagu qasbay galmo qoyska dhexdiisa ah.
 

Sheeltarrada Gabdhaha

Waxaa jira qiyaastii 30 sheeltar oo gabdhood oo ka jira Roks, kuwaasoo toban ka mid ah ay madax bannaan yihiin. Sheeltarrada gabdhuhu waxay u shaqeeyaan si la mid ah sheeltarrada haweenka, laakiin waxay u janjeeraan haweenka dhallinyarada ah, tusaale ahaan, loo hanjabay, si xun loola dhaqmay oo galmo ahaanna la faraxumeeyey, ama, sabab kale awgeed, u baahan iney gabdho kale la hadlaan. Waxay sidoo kale si firfircoon uga shaqeeyaan iney dadweynaha la socodsiiyaan xaaladda nololeed ee gabdhaha. www.tjejjour.se
 

Ka shaqaynta sheeltarrada

Inta badan dadka ka shaqeeya sheeltarradu waxay uga shaqeeyaan si iskaa ah. Si laguugu oggolaado shaqo sheeltar waa inaad marka hore ka qayb gashaa daraasad uu sheeltarku abaabulo. La xiriir sheeltarka haweenka ama gabdhaha ee xaafaddaada haddii aad daneyneysid inaad xubin ka noqotid shaqaalaha.